Ugu yaraan 26 qof oo lagu dilay Papua New Guinea

0
479

Ciidamada booliiska ee dalka Papua New Guinea ayaa sheegay in koox burcad ah ay ugu yaraan 26 qof ku dishay Waqooyiga waddankaasi.
Dadka la dilay ayaa isugu jiray rag , haween iyo carruur.
Weerarrada ayaa lala eegtay 3 tuulo oo fog oo ku yaalla gobolkaasi sida uu xaqiijiyay James Baugen oo ah taliyaha booliiska ee gobolka Sepik.
Dilalkaasi ayuu ku tilmaamay kuwo aad looga naxo.