Baarlamaanka oo dhinac iskaga dhigay hindise sharciyeedka maaliyadda

0
594

Waxaan sii jiri doonin hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 kaasi oo sababay in dibadbaxyo looga soo horjeeday ay ka dhaceen gudaha dalka.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii uu baarlamaanka isku raacay soo jeedintii madaxweynaha dalka William Ruto ee ahayd in la tirtiro dhammaan qodobbada hindisahan.
Qorshahan maaliyadeed oo uu baarlamaanka horay u ansixiyay ayuu madaxweyne William Ruto diiday inuu saxiido ka dib markii ay dadweynaha si wayn uga soo horjeesteen.
Waxay tani micnaheedu tahay in uunan jirin qodob ka mid ahaa hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan oo dhaqan geli doono.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay inuu madaxweyne William Ruto ku wargelin doono in xildhibaannada golaha qaran ee xeer dejinta ay ku waafaqeen in meesha laga saaro nidaamkan ay dowladdu ku doonaysay in ay ku hesho dakhli dheeraad ah.