Waxaa maanta ismaamullada kala duwan ee dalka bannaanbax ka sameeya wariyaasha oo dalbanaya in dowladda ay u xaqiijiso in aan lagu faragelin gudashada waajibaadkooda shaqo.
Bannaanbaxyada nabadda ah ee ay wariyaasha sameeyeen ayaa ka dhacay ismaamullada sida Nairobi, Mombasa, Uasin Gishu, Nakuru , Nyeri ,Kisii , Kisumu iyo kuwo kale.
Waxaa isku soo baxyadan ku baaqay dalladda tifaftirayaasha waddanka ee KEG iyo ururka suxufiyiinta ee KUJ.
Wariyaasha ayaa cabashooyinkooda u gudbiyay adeegga qaran ee booliiska ee NPS iyo wasaaradda warfaafinta.
Waxaa cabashadooda guddoontay afhayeenka booliiska dalka Dr .Resila Atieno Onyango oo matalaysay sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja.
Waxay u xaqiijisay in tabashooyinkooda wax laga qaban doono sidoo kalena ay socdaan baaritaano ku saabsan xadgudubyo la soo tabiyay in lagula kacay wariyaal.
Dr. Resila ayaa caddeysay in aynan macquul ahayn in booliiska ay baaraan eedeymo iyaga ka dhan ah sidaasi awgeedna uu arrimahan eegaya maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA.
Wariyaasha ayaa ka cabanaya bartilmaameedsi ay sheegeen in ay kala kulmaan saraakiisha booliiska marka ay tabinayaan wararka la xiriira dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxa ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG, Zubeida Kananu ay wacad ku martay in ay toddobo cishe ka dib bannaanbax sameyn doonaan haddii aan lala xisaabtamin saraakiishii 17-kii bishan xiray rugcadaa saxaafadeed Macharia Gaitho in kastoo markii dambe la soo siidaayay.
Waxaa ka sii horreysay in toogasho lagu dhaawacay Wanjeri Kariuki, oo ka howlgasho telefishinka Kameme TV .
Waxay dalbanayaan in lala xisaabtamo oo maxkamadda la soo taago saraakiisha booliiska ee waxyeellada u gaystay wariyaasha ay ka mid tahay Wanjeri.
Sidoo kale wariyaasha ayaa dalbanaya in loo xaqiijiyo badqabkooda , in la joojiyo hanjabaado ka dhan ah, in wargeyska rasmiga ee dowladda lagu soo daabaco xubnaha guddiga qaabilsan qabashada cabashooyinka warbaahineed, in la bixiyo lacagaha ka maqan shirkadaha warfaafinta , in aan laga xannibin helidda iyo gudbinta macluumaadka sidoo kalena si cadaalad ah ay u helaan fursadaha dhanka xayeysiinta.
Madaxa ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG, Zubeida Kananu oo ka hadlaysay tabashooyinkooda ayaa tiri.
Wariyaasha ayaa wasaaradda warfaafinta ku dhaliilay in aynan ka hadlin dhibaatooyinka haysta suxufiyiinta.
Zubeida ayaa dhanka kale dalbatay in isbeddel ballaaran lagu sameeyo wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee dalka.