Shacabka oo lagu wargeliyay in ay gudbiyaan aragtidooda ku saabsan wasiirrada magacaaban

0
328

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa dadweynaha ka codsaday in ay soo gudbiyaan warbixinnada ku saabsan 10 ka mid ah golaha wasiirrada oo uu maalmo ka hor magacaabay madaxweyne William Ruto.
Karaaniga baarlamaanka Samuel Njoroge ayaa maanta qoraal ku sheegay in kenyaanka ay haystaan ilaa 5-ta galabnimo ee Arbacada dambe ee 31-da bishan Toddobaad si afkaartooda loo qabto.
Shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula uu liiska wasiirrada la soo magacaabay ku wareejiyay guddiga qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo dhiibo xilalka dowladda .
Samuel Njoroge ayaa sheegay in shacabka ay fursad u haystaan in ay qaab qoraal ah ku gudbiyaan warbixin ku saabsan in wasiirka uu u qalmo qabashada jagada loo igmaday.
Qofka kenyaanka ah ee aaminsan in wasiirka uunan u qalmin xilka loo dhiibay , waxaa laga doonaya inuu qoraalkiisa ku kabo caddeyn la xiriirta sababaha uu cuskanaya.
Baarlamaanka ayaa dib ka shaacin doono taariikhyada la turxaan bixinaya wasiirrada la soo magacaabay.
Dastuurka dalka ayaa madaxweynaha u oggol inuu soo magacaabo wasiirro ay tiradoodu u dhexeyso 14 ilaa 22.