Madaxweynaha oo magacaabay wasiirro dheeraad ah isagoo xilal siiyay mucaaradka

0
463

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta magacaabay qaybtii ugu dambeysay ee xubnaha golaha wasiirrada isagoo jagooyinka qaar u dhiibay shakhsiyaad ka tirsan mucaaradka gaar ahaan xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ee ODM.
Waxaa uu wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka u magacaabay John Mbadi.
Kipchumba Murkomen oo horay looga qaaday wasaaradda gaadiidka ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha.
Wycliffe Oparanya-Wasiirka iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar
Stellah Langa’t -Wasiiradda jinsiyadda, hiddaha iyo dhaqanka
Rebecca Miano oo horay looga wareejiyay wasaaradda ganacsiga ka dibna loo magacaabay xeer ilaaliyaha dalka ayaa hadda laga dhigay wasiiradda dalxiiska iyo duurjoogta
Opiyo Wandayi oo ah madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka ayuu madaxweynaha dalka u magacaabay wasiirka wasaaradda tamarta iyo batroolka
Justin Muturi- Wasiirka adeegga dadweynaha.
Salim Mvurya-Wasiirka ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha
Dr.Alfred Mutua-Wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada
Xassan Cali Joho oo horay u soo noqday barasaabkii Mombasa ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta.
Waxaa xusid mudan in mucaaradka ay qaybta labaad ee golaha wasiirrada ay ka heleen ilaa 4 jago.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa maanta dib u magacaabay wasiirro horay uga tirsanaa xukuumadii uu jebiyay in kastoo uu xilal kale u dhiibay waxaana ka mid ah Kipchumba Murkomen, Salim Mvurya, Alfred Mutua, Justin Muturi iyo Rebecca Miano.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu soo magacaabay qaybtii koowaad ee golaha wasiirrada.
Shalay ayay ahayd markii wasiirkii difaaca Aadan Barre Ducaale loo wareejiyay dhanka wasaaradda deegaanka waxaana beddeshay Soipan Tuya.
Tallaabada uu madaxweynaha qaaday ayaa imaanaysa iyadoo xoghayaha guud ee xisbiga ODM , Edwin Sifuna uu dhawaan beeniyay in ay dowladda la galayaan heshiis ku aaddan in la soo dhiso maamul lagu mideysan yahay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in wixii magacaabid ee dheeraad ah uu dib ka soo shaacin doono.
Jagada weli bannaan ee uunan buuxin ayaa ah xeer ilaaliyaha qaranka oo uu horay u hayay Justin Muturi.