Dadweynaha ku nool tuulooyinka ismaamulka Narok ayaa cabasho ka muujinaya in aynan haysan baabuurta gurmadka degdegga ee loo yaqaano Ambulance .
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay caqabado badan la kulmaan marka ay soo foodsaaraan xaalado degdeg oo dhanka badqabka ah.
Shacabka ayaa sheegay in ay dantu ku qasabto in ay bukaannada ku qaadaan baabuur si gaar ah loo leeyahay mise mootooyinka iyadoo tayada waddooyinka aynan wanaagsanayn.
Waxay dowladda hoose ee ismaamulka Narok ugu baaqeen in ay dib u soo celiso gaadiidkii gurmadka degdegga ee horay uga howlgeli jiray tuulooyinka .