Kenya ayaa ka mid ah afar waddan oo kiisaska cusub ee la xiriira caabuqa keena cudurka AIDS-ka ee HIV ee laga diiwaangeliyay ay yaraadeen boqolkiiba 77.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday warbixin ay soo saartay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan la tacaalidda AIDS-ka ee UNAIDS.
Waddamada kale ayaa ah Malawi, Nepal iyo Zimbabwe.
Waxaa warbixinta ku xusan in Kenya ay hayso jahada u suurtagelin karto in sanadka 2030-ka boqolkiiba 99 la yareeyo xaaladaha cusub ee HIV-da.