Ergeyga Maraykanka ku matasho Qaramada Midoobay oo booqatay Haiti

0
356

Danjiraha Maraykanka ku matasho Qaramada Midoobay Ambasadoor Linda Thomas-Greenfield ayaa booqasho ugu tagtay ciidamada nabadsugidda ee Haiti.
Waxay shaacisay in howlgalkan lagu taageeraya 60 milyan oo doollar oo gargaar baniaadannimo ah.
Danjiraha ayaa warbixin ka dhageysatay mas’uuliyiinta howlgalka nabadsugidda ee Haiti ee ay hor kacayaan saraakiisha booliiska ee Kenya.
Sidoo kale waxay wada hadal la yeelatay golaha madaxtinnimo ee ku meel gaarka ah ee Haiti iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Garry Conille .
Linda Thomas ayaa sheegtay in shacabka Haiti ay xaq u leeyihiin in ay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah iyo in la soo dhiso dowlad ay si dhab ah dadweynaha ula xisaabtami karaan.
Deeqda ay shaacisay ayaa waxaa bixin doonto hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarka caalamiga ah ee USAID waxaana si gaar ah diiradda loogu saaraya agabka amniga iyo howlaha samafalka.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa arrimaha cuntooyinka, biyaha, hooyga iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Maraykanka ayaa horay Haiti ugu taageeray 105 milyan oo doollar.