Dowladda oo beenisay in la iibinaya garoonka diyaaradaha ee JKIA

0
655

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa beeniyay warbixinnada tilmaamaya inuu jiro qorsho ay dowladda maalgashato shisheeye uga iibinaysa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Mudavadi ayaa guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka u sheegay in hanti uu heerkeedu sidan u sarreeya keliya la iibin karo marka dadweynaha laga qayb geliyo oo uu go’aankaasi baarlamaanka ansixiyo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay jiraan qorshayaal lagu casriyeynaya garoonka JKIA oo lagu dhisaya qayb hor leh.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa intaasi ku daray in maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee (KAA) ay qasab tahay inuu si ka fiirsasho leh u eego maalgashigan oo uu xaqiijiyo in ay jirto daahfurnaan dhameystiran.
Musalia Mudavadi waxaa uu tilmaamay in marka gagida diyaaradaha ee JKIA lagu kordhinaya qaybta cusub tallaabadan loo mari doono habraacyada habboon ee dhanka sharciga ah.
Warbixinnada ay dowladdu beenisay ee sheegayay in garoonka JKIA uu iib yahay ayaa keenay in dhallinyarada ay wacad ku maraan in ay maanta mudaaharaad ka sameyn doonaan goobtaasi.