Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa kenyaanka ugu baaqay in ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan ka shaqeynta nabad galyada.
Waxaa uu xusay in aan marnaba la oggolaan karin waxyaabaha hadda ka dhacaya gudaha waddanka oo ay ka mid tahay in dibadbax laga sameeyo gudaha garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA .
Waxaa baaq kani la mid ah soo saaray waxgaradka ismaamulka Nandi oo dhallinyarada ka codsaday in ay joojiyaan mudaaharaadyada.