Xildhibaanka deegaanka Sirisia oo sheegay in dibadbaxyada aynan sii socon karin

0
342

Xildhibaanka deegaanka Sirisia ee ismaamulka Bungoma John Waluke ayaa sheegay in aynan sii socon karin dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku waafaqay go’aankii ahaa in aan la oggolaan karin rabshadaha la xiriira mudaaharaadyada.
Waluke ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo kenyaanka ay dhallinyarada ka mid yihiin ay xaq u leeyihiin in ay dibadbaxaan haddana in aan fursad la siin karin burburinta hantida shacabka.
Waxaa uu dhanka kale dhaliilay waalidiinta sheegaya in aynan toddobaadyo arag carruurtooda oo uu u sheegay in looga baahnaa in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha hoose ee ismaamulka Garissa ahna wakiilka deegaanka hoose ee Dadaab Maxamad Cabdi Faarax ayaa dhankiisa dhallinyarada ku boorriyay in ay soo afjaraan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda si waddanka uunan u burburin.