Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xiray wariye Cali Nuur Salaad oo ka mid ah saxafiyiinta madaxa bannaan, marna soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Waxay ciidanka booliiska ku eedeeyeen wariyaha inuu ku kacay falal dambiyeedyo isugu jira, been abuur, anshax darro iyo aflagaado ka dhan ah ciidamada qalabka sida, iyagoona soo bandhigay sawirka wariyaha isagoo maxbuus ah.
Dad badan oo isugu jira siyaasiyiin, suxufiyiin iyo bulshada qaybaheeda kale, ayaa si weyn uga hor yimid xarigga wariyaha, iyo hab dhaqanka booliisku ay sameeyeen, kaas oo ah, in ay faafiyeen sawirro magac dil ku ah sumcadda wariyaha
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmad ayaa ka mid ah dadka sida kulul u cambaareeyay xarigga loo gaystay Cali Nuur Salaad.
Shariif ayaa xarriga Cali Nuur Salaad ku tilmaamay mid ka hor imaanaya xuquuqul Insaanka, muujinayana sida maamulka madaxweyne Xasan Sheekh ay uga go’an tahay inay aamusiyaan warbaahinta madaxa banaan iyo saxafiiyiinta, si ay u qariyaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isna cambaareeyay xargiga loo geystay wariyaha, isagoo ku tilmaamay xad gudub toos ah oo ka dhan ah xuquuqda dastuuriga ah iyo mabaadi’da xurriyatul qowlka bulshada.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ixtiraamto oo ay ilaaliso xuquuqda saxafiyiinta, islamarkaana si degdeg ah loo siidaayo Cali Nuur Salaad.
Dhawaan ayay ahayd markii Cali Nuur Salaad uu sheegay, in guul darrada ciidamada dowladda ka soo gaarta Al-Shabaab ay sabab u tahay isticmaalka maandooriyaha qaadka oo uu sheegay in lagu iibiyo meel kaste oo ay ciidamadu ku sugan yihiin.
Waxaa uu sheegay halkii loo baahnaa in dowladdu ay joojiso Qaadka, in taa beddelkeed mas’uuliyiinta dowladda ay u xiran yihiin qandaraasyada ku saabsan soo dajinta jaadka.
Home Wararka Soomaaliya Dhaleecayn adag oo ka dhalatay xarig ay dowladda Soomaaliya u gaysatay wariye...