Guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha IEBC oo la soo bandhigi doono

0
145

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa sheegay in maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe wargeyska rasmiga ee dowladda lagu soo daabici doono xubnaha guddiga shaqaaleysiin doono saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC).
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhallinyarada sameynayey dibadbaxyada ay dalbanayeen in guddigan la soo dhiso si loo buuxiyo jagooyinka ka bannaan IEBC.
Xilalkan ayaa bannaanaaday ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedka mas’uuliyiintii uu hoggaaminayay Wafula Chebukati.