Tirada dadka lagu dilay Khan Younis oo kor u dhaaftay 80

0
113

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka lagu dilay duullaan hor leh oo ay Israa’iil ka gaysatay Bariga magaalada Khan Younis ee dalka Falastiin.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen ugu yaraan 81 ruux.
In ka badan 250 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarrada ka socdo Koonfurta Qaza.
Weerarrada ayaa loo adeegsanaya dabbaabadaha dagaalka , diyaaradaha dagaalka iyo madaafiic waxayna tani ku soo aadaysa ka dib markii ay Israa’iil amartay in aagagga Khan Younis laga daadgureeyo dadka deggan.
Waaxda difaaca rayidka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in amarkan daadgureynta uu saameynaya ugu yaraan 400,000 oo qof.