Shil saaka ka dhacay waddada wayn ee Southern Bypass ee ismaamulka Nairobi ayaa waxaa ku nafwaayay in ka badan labo ruux.
Waxay dhaawacyo culus soo gaareen saddex qof oo kale.
Shilka oo la soo tabiyay abaare 6:30 subaxnimo ee maanta ayaa u dhexeeyay labo ka mid ah baabuurta xamuulka qaada oo isku dhacay xilli ay marayeen meel u dhow maqaaxida Ole Sereni.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in darawalka baabuur ka yimid dhanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu uu gaariga xakameyn waayay taasi oo keentay in ay isku dhacaan baabuur kale oo ku soo wajahnaa.
Afhayeenka adeegga qaran ee booliiska Resila Onyango ayaa sheegtay in wadayaasha labada gaari ee shilka galay ay isla goobta ku dhinteen iyadoo ay dhaawacmeen saddex qof oo rakaab ahaa .