Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay dib u soo celin doonto deeqdii lacageed ee ay siin jirtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibadda ee UK David Lammy oo u warramayay baarlamaanka.
Wasiirka ayaa xusay in UNRWA ay qaadday tallaabooyin ay ku xaqiijinaysa u hoggaansanka hal-beegyada ugu sarreeya ee dhexdhexaadnimada.
Waxaa uu Lammy xaqiijiyay in Ingiriiska uu hay’adda UNRWA siin doono 21 milyan oo pounds una dhiganta 27 milyan oo doollar.