DHAGEYSO:Shacabka Kibwezi oo dalbanaya in la wareejiyo ciidamada booliiska ee magaaladaasi

0
454

Dadweynaha ku nool magaalada Kibwezi ee ismaamulka Makueni ayaa dalbanaya in dowladda ay saldhigga booliiska ee magaaladaasi ka wareejiso saraakiisha ka howlgalo.
Waxay ka cabanayaan falal amni darro oo Kibwezi ku soo batay oo ay sheegayaan in saraakiisha ammaanka aynan waxba ka qaban.
Jimcihii hore ayay ahayd markii la dilay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka.
Qosyka wadaha mootada ee la dilay ayaa cadaalad dalbanaya.

Qaybaha bulshada ee ku nool Kibwezi ayaa hoosta ka xarriiqay in ay u baahan yihiin in badqabkooda loo xaqiijiyo.