DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha kaniisadaha oo waxqabad ka dalbaday madaxweynaha

0
320

Madaxda kaniisadda Anglican ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu dhaqangeliyo tabashooyinka dhallinyarada sameeyay dibadbaxyada.
Waxaa ay hoosta ka xarriiqeen in dowladda laga doonaya in ay faahfaahiso waxyaabaha u qabsoomay.
Sidoo kale waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo magacaabo saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Madaxa kaniisadda Anglican Jackson Nasoore Ole Sapit ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan in xilalka wasiirrada loo soo magacaabo shakhsiyaad karti leh oo u qalma gudashada waajibaadkan.
Waxaa uu shacabka ka codsaday in ay dowladda fursad u siiyaan dhaqangelinta waxyaabaha ay doonayaan.