Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in ay lacag dhan 7 bilyan oo shilin u qoondeysay in lagu soo iibiyo daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Waxaa uu qorshuhu yahay in tallaalka lagala wareego shirkadaha soo saaro ka hor dhammaadka miisaaniyad sanadeedka oo ku eg 30-ka bisha lixaad ee sanadkan.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa warbixintan la wadaagay guddiga caafimaadka ee aqalka sare oo uu shalay ka soo hormuuqday.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda ay soo jeedisay xeerar fududeynaya in la sameeyo maalgashi maxalli oo ku aaddan soo saaridda daawooyinka tallaalka COVID19.
Tani ayaa timid ka dib walaac ka dhashay hubanti la’aan la xiriirta wajiga labaad ee bixinta tallaalka lagula dagallamaya cudurka.
24-kii bishii saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii dowladda India ay si ku meel gaar ah u joojisay in dibadda dalkaas loo iibgeeyo daawada tallaalka nooca loo yaqaano Oxford-AstraZeneca .