India iyo Ingiriiska oo saxiixday heshiis dhanka maalgashiga ah

0
435

Dowladaha Ingiriiska iyo India ayaa qalinka ku duugay is-afgarad dhanka maalgashiga ah oo ku kacaya 1.4 bilyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayaa lagu biirinayaa waaxyaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo maanta ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi iyo dhigiisa Ingiriiska Boris Johnson ay yeelanayaan kulan lagu qabanaya qaabka fogaal- aragga.
Bishii hore ayaa lagu waday in Boris Johnson uu booqasho toos ah ku tago India balse taasi ayaa meesha laga saaray cudurka COVID19 awgii.