Xadgudubka jinsiyadeed oo lagu sheegay sababta ay gabdhaha ardayda ah dugsiyada iskaga tagaan

0
468

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in tacaddiga jinsiga ku saleysan ee ay haweenka la kulmaan ay tahay sababta gabdhaha ardayda ah ay iskaga baxaan dugsiyada.
Tani ayaa timid ka dib markii sanadkan kumanaan gabdho ah aynan sameyn imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Wasaaradda ayaa tirada gabdhaha ee aan u fariisan imtixaanka qaran ku sheegtay 12,424.
Sanadkii 2020-kii ardaydan ayay tiradoodu ahayd 5,530 waxaana hadda socdo baaritaano dheeraad oo ku aaddan sababta ay u noqotay in ka badan labo jibaar.
Sanadkii hore keliya waxaa gudaha dalka laga diiwaangeliyay in ku dhawaad 200,000 oo gabdho ah ay uur qaadeen.
Kiisaska ugu badan ayaa xilligaas laga soo tabiyay ismaamulka Trans Nzoia taasoo ahayd 10,000 .
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa xusay in ardaydan ay heli doonaan fursad kale oo ay imtixaanka shahaaddiga ku sameyn karaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay fulinta ballanqaadkii ahaa in ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ee wadanka ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.
Dhanka kale wasaaradda adeegga bulshada iyo jinsiyadda ayaa dhawaan sheegtay in sanadkii hore kiisaska la xiriira tacaddiga jinsiyadeed ay kordheen boqolkiiba 36 maadaama la soo tabiyay 5,009 dhacdooyin ah.