Xildhibaannada baarlamaanka ee Israa’iil ayaa ansixiyay qaraar ay si aqlabiyad leh uga soo horjeedaan qarannimada Falastiin.
Waxaa qaraarkan codkooda ku taageeray 68 xubnood iyadoo 9 ay ka soo horjeesteen.
Siyaasiyiinta Israa’iil ayaa ku doodaya in haddii dowladnimada Falastiin la aqoonsado ay halis soo foodsaareysa shacabkooda oo ayna sii ballaaranaysa colaadda Bariga Dhexe.
Mustafa Barghouti oo ah xoghayaha guud ee hindisaha qaran ee Falastiin ee Palestinian National Initiative ayaa cambaareeyay qaraarka uu meel mariyay baarlamaanka Israa’iil.