Xuseen Maxamad Barrow oo ku magacdheer Xuseen Maendeleo oo horay u soo noqday xildhibaankii Duujis ka hor inta aan loo beddelin Garissa Township ayaa ka hadlay dibadbaxyada socdo ee looga soo horjeedo dowladda.
Xilli uu u warramayay warbaahinta Star ayuu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo rabshadaha la xiriira mudaaharaadyada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada ay fursad u haystaan in ay codkooda ku beddelaan hoggaamiyaasha aynan ku qanacsanayn.