Faarax Macallin oo beeniyay inuu ku baaqay in 5,000 oo dhallinyaro ah la dilo

0
311

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa Faarax Macallin ayaa beeniyay inuu maalmo ka hor ku baaqay in la dilo dhallinyaro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in muuqaalka lagu faafiyay baraha bulshada ee arrintan ku aaddan uu yahay mid la buunbuuniyay.
Waxaa uu xusay in uunan ku baaqin in la dilo qof kenyaan ah weligiisna uunan sidaasi sameyn doonin.
Xildhibaanka Dadaab oo galinkii dambe ee shalay warbaahinta la hadlayay ayaa carrabka ku adkeeyay inuu sanado badan ku howlanaa siyaasad hufan sidaasi awgeedna uunan marnaba dhaawici doonin sumcadiisa.
Hasa ahaate, waxaa uu sheegay inuu sii wadi doono inuu si cad oo aan gabbasho lahayn uga hadli doono jahada la doonaya in ay Kenya qaaddo si burbur looga badbaado.