Waxay murugo ka taagan tahay suuqa Kimaeti ee deegaan baarlamaneedka Bumula ee ismaamulka Bungoma.
Tani ayaa timid ka dib markii si arxaan darro ah loo dilay waardiye halkaasi ilaalinayay.
Warbixinnada horudhaca ah ayaa sheegaya in waardiyaha xalay la ceejiyay.
Ciidamada booliiska ayaa magaca qofka la dilay ku sheegay Changalwa Nabiswa .
Saraakiisha ammaanka ayaa laga soo xigtay in Nabiswa uu ilaalinayay xarun laga dukaameysto xilligii la dilayay.
Qoyskiisa ayaa sheegay in ay dilkiisa ka war heleen arrornimadii hore ee maanta.
Ilaa iyo hadda lama aqoonsan haybta cidda waardiyaha ku dishay Bungoma.