Baarlamaanka Gambia oo ayiday mamnuucidda gudniinka fircooniga

0
190

Golaha xeer dejinta ee dalka Gambia ayaa ayiday go’aankii waddankaasi looga mamnuucay nooca gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Mudanayaasha ayaa u codeeyay isbeddel lagu sameeyay hindise sharciyeed la doonayay in nooca gudniinkan aan dembi loo aqoonsan.
Mamuucidda FGM-ka ee ay xildhibaannada baarlamaanka Gambia ayideen ayaa la soo saaray sanadkii 2015-kii waxaana cidii gudniinkan sameysa lagu ciqaabaya saddex sano oo xabsi ah.
Waxay dhinac iskaga dhigeen iskuday ku aaddanaa in xeerkan meesha laga saaro.
Tani ayaa timid ka dib bilooyin ay jireen doodo culus iyo cadaadis heer caalami ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Gambia Fabakary Tombong Jatta ayaa diiday in hindise sharciyeedka maanta loo codeeyay uu u gudbo akhrinta saddexaad iyo codeynta kama dambeyska ah oo lagu ballansanaa 24-ka bishan Toddobaad.
Waxaa uu sheegay in baarlamaanka dalkaasi uunan waqti u luminayn howl laga soo wada hor jeedo.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in nooca gudniinka fircooniga uunan lahayn faa’iidooyin caafimaad oo uu sababi karo dhiig bax saaid ah, tiiraanyo maskaxeed iyo xita geeri.
Dalka Gambia ayaa ka mid ah 10-ka waddan ee uu ku badan yahay gudniinkan .
Sida ku cad macluumaadka hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ee sanadkan , waxaa noocan loo guday boqolkiiba 73 ee gabdhaha iyo haweenka Gambia ee ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 49 sano.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii warbixin ay soo saartay qaramada midoobay lagu sheegay in gudniinka fircooniga ee FGM-ka guud ahaan caalamka loogu gaystay ugu yaraan 230 milyan oo gabdho iyo haween ah.