Kooxo dalbanaya in dib u habeyn lagu sameeyo NTSA

0
232

Ururro u ololeeya badqabka dhanka waddooyinka ayaa ku baaqaya in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo maamulka qaran ee gaadiidka ee NTSA.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in tani ay door ka qaadan doonto wax ka qabashada shilalka waddooyinka ee soo noqnoqday.
Guddoomiyaha ururka badqabka dhanka waddooyinka David Kiarie ayaa soo dhaweeyay tallaabadii uu madaxweyne William Ruto ku kala diray golihiisi wasiirrada.
Waxaa wasiirradii xilalka laga qaaday ka mid ahaa Kipchumba Murkomen oo hoggaaminayay wasaaradda gaadiidka.
David ayaa ku talinaya in la jebiyo guddiga maamulo NTSA oo la soo magacaabo maamul cusub.
Dhacdooyinka shilalka ee kordhay ayuu u aaneeyay in aan daacad laga ahayn xaqiijinta badqabka shacabka iyo falal musuqmaasuq oo arrintan caqabad ku ah oo uu sheegay in Murkomen uunan si wayn ula dagaallamin.