Dhaarinta agaasimaha warshadda Toror Tea oo la hakiyay

0
111

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kericho ayaa hakisay dhaarinta John Chebochok oo loo magacaabay agaasimaha warshadda caleenta shaaha ee Toror Tea Factory.
Amarkan ayaa shaqeyn doono ilaa iyo inta ay maxkamadda go’aan ka soo saareysa dacwad loo gudbiyay oo ka dhan ah magacaabidda mas’uulkan.
Tani ayaa timid ka dib markii shan qof ay maxkamadda u gudbiyeen dacwad ay ku sheegayaan in hadii Chebochok loo ansixiyo xilka agaasimaha , in ay jirto khatar dhab ah oo soo foodsaareysa xasilloonida maaliyadeed iyo sumcadda warshaddan.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in John Chebokoch la dhaariyo 18-ka bishan Toddobaad balse taasi ayaan dhici doonin ilaa 15-ka bisha dambe.