Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in afar qof oo eedeysanayaal ah lagu xiray aagga Fisheries area ee Bamburi oo ka tirsan ismaamulka Mombasa.
Waxaa howlgalkaasi lagu soo helay maandooriyaha nooca xashiishka oo uu qiimihiisu yahay 16.6 milyan oo shilin.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Doris Achieng( 46 sano jir ah), Brenda Achieng, (20), Rhoda Vonza, (47) iyo David Omondi, (26 sano jir ah).
Waxaa howlgalka lagu soo qabtay hoggaaminayay saraakiisha waaxda la dagaallanka maandooriyaha ee (ANU) ee gobolka Xeebta.
DCI ayaa intaasi ku dartay in ka dib xog ay ka heshay dadweynaha in ay fulisay howlgalka lagu soo helay xashiishka oo ah 554.05 kiilogaraam.
Sidoo kale waxay ciidamada gacanta ku dhigeen baabuur ah nooca Toyota ISIS oo la dhigay bannaanka guriga ay tuhmanayaasha ku dhuumanayeen maadaama la rumeysan yahay in gaarigan uu ka mid yahay waxyaabaha laga macaashay ka ganacsiga daroogada.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga dhexe ee ciidamada booliiska ee gobolka Xeebta waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Dhanka kale, waaxda dambi baarista dalka ayaa baaraysa dil loo gaystay Rael Cherop Biwott oo 44 sano jir ahayd.
Tani ayaa timid ka dib markii meydka haweeneydan oo la googooyay qaybihiisa kala duwan laga helay ismaamullada Nandi iyo Uasin Gishu 24-kii iyo 27-kii bishii hore.
Biwott, oo dhashay afar carruur ah ayaa waxaa in la waayay 22-kii June booliiska ku wargeliyay odaygeeda Francis Mwangi Ndirangu.
Waxay ahayd gacan yare sare oo ka tirsan qaybta xisaabaadka ee isbitaalka Moi.
DCI ayaa sheegtay in eedeysanaha ugu muhiimsan ee lala xiriirinaya dilkan uu yahay seygeeda Ndirangu.