Ugu yaraan 4 qof oo doonayay in ay Faransiiska uga gudbaan Ingiriiska oo geeriyooday

0
467

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 4 qof oo ka mid ahaa dad isku dayayey in ay marinka loo yaqaano English Channel ay uga kala gudbaan Faransiiska iyo Ingiriiska.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay ciidamada ilaallada xeebaha ee Faransiiska.
Tani ayaa timid ka dib markii doon la buuxdhaafiyay oo ay dadkan saarnaayeen ay ku qallibmatay xeebta Boulogne-sur-Mer ee Waqooyiga Faransiiska.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 4:30 ee saaka.
Waxaa howlgal ay ka qayb qaateen maraakiibta ciidamada badda ee Faransiiska , doon kalluumeysi iyo diyaaradda helikobtarka ee ciidamadan lagu soo badbaadiyay 63 qof oo kale.
Kumanaan qof oo adeegsanaya doomaha yaryar ayaa sanad kasta gudaha u galo Boqortooyada Ingiriiska.
Toddobaadkan ayay ahayd markii xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK Keir Starmer ay shaacisay inay la tacaali doonto doomaha yaryar ee soo galootiga ka soo gudbinaya dhanka Faransiiska.