Maxkamadda sare oo sharci darro ku tilmaantay guddi baaraya dhimashooyinkii Shakahola

0
382

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aamisay inuu sharci darro yahay guddi xaqiiqo raadin ah oo baaraya xasuuqii ka dhacay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Tani ayaa timid ka dib dacwad uu maxkamadda geeyay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya .
Azimio ayaa ku doodaysa in madaxweynaha dalka William Ruto markii uu guddigan magacaabayay uunan tixgelin sida loo kala saaray awoodaha waaxyaha dowladda maadaama uu xubin u magacaabay garsoore shaqeynaya.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabidii guddigan ee uu madaxweyne Ruto sameeyay 4-tii bishii Shanaad ee sanadkan oo lagu xusay bayaanka wargeyska rasmiga ee dowladda uu tirsigiisu yahay 5660.
Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay madax bannaanida waaxda garsoorka ee dalka sidaasi awgeedna la buriyay.
Guddiga ay maxkamaddu sheegtay inuu sharci darro yahay ayaa waxaa hoggaaminaysay garsoore Jessie Lesiit waxaana xubno ka ah Mary Muhanji Kasango, Eric Gumbo, Bishop Catherine Mutua, Jonathan Lodompui, Frank Njenga, Wanyama Musiambu iyo Albert Musasia.
Dhacdooyinkii laga soo tabiyay keynta Shakahola ee lala xiriiriyay baadariga Paul Mackenzie ayaa waxaa ku dhintay 448 qof oo kaniisadiisa ku xirnaa ka dib markii uu ka dhaadhiciyay in ay cuntada iyo biyaha ka af-xirtaan si ay nabi ciise ula kulmaan.