Madaxa Xamaas oo la kulmay dhexdhexaadiyaasha Qatar iyo Masar

0
334

Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay in hoggaamiyahooda Ismaaciil Haniyeh uu wada hadallo la yeeshay dhexdhexaadiyaasha matalaya dowladaha Qatar iyo Masar.
Waxay ka wada hadleen heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan galo Qaza iyo in Xamaas iyo Israa’iil ay siidaayaan maxaabiista u kala xiran.
Dhanka kale , wakaaladda sirdoonka ee Israa’iil ee Mossad ayaa sheegtay in Israa’iil ay qiimeynaysa arrintan oo ay jawaabteeda la wadaagi doonto dhexdhexaadiyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here