Ciidamada ammaanka oo qabtay 2 eedeysane oo mid ka mid ah yahay booliis kuwaas oo sitay foolasha maroodiga

0
261

Ciidamada booliiska ee magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa xiray labo qof oo eedeysanayaal ah.
Shakhsiyaadkan ayaa laga soo qabtay deegaanka hoose ee Longonot oo ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Naivasha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah eedeysanayaasha uu yahay sarkaal booliis ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu helay 20 xabbo oo foolasha maroodiga oo 29 kiilogaraam ah.
Qiimaha lacageed ee foolasha ayaa lagu sheegay 2.9 milyan oo shilin.
Waxaa howlgalkan iska kaashaday saraakiisha booliiska iyo ciidamada waaxda adeegga duurjoogta ee KWS.
Booliiska ayaa laga xigtay in sarkaalka la xiray uu fadhigiisu yahay saldhigga booliiska Utheri Wa Lari ee magaalada Naivasha.
Eedeysanaha labaad ayaa ahaa qof rayid ah oo la sheegay inuu isagu lahaa gaariga foolasha lagu siday.
Waxaa uu qorshuhu yahay in tuhmanayaasha galinka dambe ee maanta maxkamadda la soo taago.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here