DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo nabadgalyo ku baaqay

0
347

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in waddanka uu jaho wanaagsan ku socdo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay fulisay welina ay sii wadi doonto barnaamijyo lagu horumarinayo nolosha kenyaanka.
Madaxweynaha ayaa shacabka iyo madaxda ku boorriyay in ay nabad galyada ku dadaalaan oo aynan rabshado sameyn.
Waxaa uu ku taliyay in la qaato hannaan cid kasta laga qayb gelinaya arrimaha qaran.
Ruto ayaa dhacdooyinkii dhawaan dhacay ee dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qayb ka ah isbeddelka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Madaxweynaha oo faahfaahinayay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa ayaa sheegay in la dhimay qiimaha bacriminta.
Sidoo kale waxaa uu xusay in qiimaha sicir bararka oo sanadkii 2022-kii ahaa boqolkiiba 9.8 in bishan uu noqday boqolkiiba 4.6
Waxaa uu intaasi ku daray in ay kordheen tirada dalxiisayaasha ee waddanka imaanaya iyadoo dhanka kale la xasiliyay qiimaha sarrifka shilinka dalka marka loo barbardhigo lacagaha qalaad.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in lacag dhan 1.8 bilyan oo shilin lagu bixin doono xiriirinta korontada ee ismaamulka Narok.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here