Dowladda oo shaacisay in 1-da bisha Toddobaad la billaabi doona isku diiwaangelinta caymiska caafimaadka ee SHIF

0
401

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo koowda bisha Toddobaad ee July ee sanadkan si buuxda loogu wareego caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF oo looga gudbaya nidaamka NHIF.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in laga billabo 1-da bisha Toddobaad ee sanadkan ay kenyaanka si rasmi ah isku diiwaangelin karaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF.
Waxay dhammaan shacabka ku boorrisay in ay ka qayb qaataan diiwaangelinta si loogu guulaysto barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Kenyaanka ayaa caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF isku diiwaangelin kara iyagoo adeegsanaya taleefoonka gacanta, isbitaallada dowladda ama ay caawinayaan shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka caafimaad ee CHPs oo gaaraya ilaa 100,000.
Wasiiradda caafimaadka ayaa kenyaanka ku boorrisay inay sidoo kale adeegsadaan nambarka ah *147#, si ay isku diiwaangeliyaan.
Waxay tani micnaheedu tahay in qof waliba oo muwaadin ah uu boqolkiiba 2.75 ee dakhliga soo galo ku biirin doono caymiska cusub ee caafimaadka.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in dowladdu ay tixgelin doonto xaaladaha dhaqaale ee dadka aan shaqeyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here