Mucaaradka Azimio oo ku hanjabay in dacwad ka dhan booliiska ay u gudbinayaan maxkamadda ICC

0
362

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa ku hanjabay in maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da u gudbin doonaan dacwad la xiriirta gobodfollada booliiska Kenya ee ku xadgudbay dibadbaxayaasha ka soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in tacaddiyada ay booliiska kula kaceen dibadbaxayaasha ay tahay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay tallaabooyinka lagu xiray laguna afduubtay shakhsiyaadka ka qayb qaatay dibadbaxyada ama lagu tuhmaya in ay mudaaharaadyada soo qaban qaabiyeen.
Dhanka kale, ururka ay ku mideysan yihiin garyaqaannada waddanka ee LSK ayaa warbixin ku saabsan maqnaanshaha 39 qof kuwaas oo ka mid ahaa shakhsiyadkii ka qayb qaatay mudaaharaadyadii looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan u gudbiyeen waaxda dembi baarista dalka ee DCI-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here