Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay inuu u hoggaansami doono amar shalay maxkamadda ka soo baxay

0
364

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inuu u hoggaansami doono amarkii ay shalay galab soo saartay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa ayiday go’aankii ay dowladdu ku howlgelisay ciidamada militariga ee KDF-ta si ay booliiska u caawiyaan.
Hasa ahaate, xaakinka ayaa dhanka kale amray in labo cishe gudaheeda wargeyska rasmiga ee dowladda lagu soo daabaco bayaan dhameystiran oo arrinkan ku saabsan.
Wasaaradda difaaca ayaa laga doonaya in ay caddeyso qaabka ay ku howlgalayaan ciidamada , muddada iyo meelaha ay ka shaqeyn doonaan.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in meesha looga saaro cabsida ay rayidka ka qabaan in lagu xadgudbo xuquuqdooda aasaasiga ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay inay diyaar u tahay tixgelinta tabashooyinka la xiriira ku xadgudubka xuquuqul aadanaha ka hor intii aan ciidamada difaaca la howlgelin iyo ka dib labaduba.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa xusay in ay amarka maxkamadda si buuxda u dhaqangelin doonaan oo uunan wargelin kale soo saaraya sida ugu dhaqsiyaha badan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu iyo ciidamada difaaca ay mar kasta ilaalin doonaan xeerarka dastuuriga ah.
Ducaale ayaa xusay inay xaqiijinayaan badqabka shacabka iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah ee laamaha dowladda sida golaha fulinta, baarlamaanka iyo garsoorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here