DHAGEYSO:Senatarka Siaya oo sheegay in la ansaxin doono qorshaha BBI

0
539

Senatarka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa sheegay in aqalka sare iyo baarlamaanka ay ansaxin doonaan hindise sharciyeedka BBI.
Waxaa uu xusay in xisbiyada siyaasadeed ee ODM iyo Jubilee ay ka go’an tahay meel marinta isbeddelada dastuuriga ah.
Senatar Orengo ayaa sheegay in tan iyo markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay heshiiyeen sanadkii 2018-kii, uu xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ku dhisan ka dhexeyay siyaasiyiinta labada dhinac.
Mr. Orengo ayaa sidoo kale sheegay in Kenyaanka laga doonaya in ay afti dastuuri ah isku diyaariyaan bisha toddobaad ama sideedaad ee sanadkan.