Madaxweynaha Tanzania oo Talaadada imaanaysa Kenya

0
554

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maalinka Talaadada 4-ta bishan Shanaad ay wadanka booqasho rasmi ah ku imaan doonto madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan.
Labo cisho ayay hoggaamiyaha Tanzania ku sugnaan doonta Kenya.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku soo dhaweyn doono madaxtooyada .
Mrs. Dena ayaa intaasi ku dartay in faahfaahin dhameystiran oo ku qaaddan booqashada Samia Suluhu Xasan dib laga soo sheegi doono.
10-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wasiiradda cayaaraha, hidaha iyo dhaqanka ee Kenya Amina Maxamad dhambaal casuumaad ah ugu dhiibay madaxweynaha Tanzania.