Guddiga caafimaadka ee aqalka sare oo sii wadaya su’aalaha la weydiinaya barasaabyada

0
517

Waxaa la filayaa in berri oo Isniin ah guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua uu ka soo hormuuqdo guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha caafimaadka.
Waxaa ku xigi doono dhigiisa Turkana Josphat Nanok.
Mas’uuliyiintan ayaa su’aalo laga weydiinaya qaabka maamuladooda ay u isticmaaleen lacago loo qoondeeyay la tacaalidda cudurka COVID19.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa guddiga arrimaha caafimaadka ee senate-ka ka soo hormuuqday toddobo ka mid ah barasaabyada dalka oo hoggaamiyo ismaamullada Kisumu, Wajeer, Murang’a, Vihiga, Kajiado, Kisii iyo Kitui.
Kal-fadhiyada lagu wareysanaya guddoomiyaasha ismaamullada ayaa socon doono ilaa 3-da bisha lixaad ee sanadkan.
Ka dib warbixin uu soo saaray xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka ayaa waxaa soo baxday in ugu yaraan 12 barasaab ay wajahayaan eedeymo ku aaddan ku takriifal dhaqaale.
Waxaa laga doonaya in ay caddeeyaan qaabka ay u isticmaaleen kheyraad dhan 7.7 bilyan oo shilin.
Hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa horay dowladda Kenya u qabatay ilaa bishan Shanaad si ay u faahfaahiso qaabka ay u adeegsatay lacagaha loogu talagalay la dagaalanka cudurka COVID19 ee ay ka heshay saaxiibadeeda caalamka si loo siiyo amaah lacageed oo dhan 255 bilyan oo shilin.