Ugu yaraan 21 qof oo lagu dilay Niger

0
347

Koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay 20 ka mid ah ciidamada qalabka sida iyo qof shacab ah ay ku dishay gobolka Galbeed ee dalka Niger.
Wasaaradda gaashaandhigga ee waddankaasi ayaa sidatan sheegtay.
Waxay wasaaradda ku dhawaaqday saddex cishe oo baroordiiq qaran ah.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in kooxo hubeysan oo argagixiso lagu tilmaamay oo is beheystay ay saraakiisha ammaanka ku weerareen meel u dhow tuulada Tassia.
Marka laga soo tago dhimashada oo ah 21 qof waxaa la dhaawacay 9 kale.
Baroordiiqa qaran ayaa billaabanaya maanta oo Arbaco ah iyadoo calamada hoos loo dhigaya .
Wasaaradda difaaca ee dalka Niger ayaa intaasi ku dartay in militariga uu sii wadi doono dagaalka gobonnimo ee uu ku jiro.
Tuulada Tassia ee uu weerarka ka dhacay ayaa hoos tagta gobolka Tillaberi oo xiga xadka dalalka Mali iyo Burkina Faso halkaasi oo kooxo fallaago ah oo gacansaar la leh Al-Qaacidda iyo ISIS ay dagaallo ka wadaan qiyaastii 10 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here