Ismaamulka Kajiado oo lagu abuuraya 2 milyan oo geedo ah

0
509

Dowladda ismaamulka Kajiado ayaa billowday olole lagu beeraya geedo dhan 2 milyan.
Ololahan ayaa sidoo kale laga sameyn doonaa ismaamullada Makueni iyo Machakos ka hor shiweynaha dowlad wadaajinta ee uu qorshuhu yahay in la qabto bisha sideedaad.
Barasaabka Kajiado Joseph Ole Lenku ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan sidii lagu ballaarin lahaa baaxadda keynta oo hadda ah boqolkiiba 7.1 halka afar sano ka hor ay ahayd 3.6 boqolkiiba.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa ismaamullada ku boorriyay in ay dhaqaale u qoondeeyaan la tacaalidda isbeddelka cimillada oo ayna xoojiyaan badbaadinta bilicda deegaanka.