In ka badan 18 qof oo ku dhimatay dab ka kacay isbitaal ku yaalla India

0
511

Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen wadanka India.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dab ka kacay qayb ka mid ah isbitaal ku yaalla dhanka galbeed ee wadankaas oo lagu daaweynayay dadka uu soo ritay cudurka COVID19.
India ayaa waxaa aad ugu faafaya cudurka iyada oo shalay halkaas laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee cudur sidaha corona oo gaaraya 401,993.
Waxaa sidoo kale 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha India cudurka ugu dhintay 3,523 qof .
Tirada guud ee xaaladaha cudurka ee dalkaas ayaa ah in ka badan 19.1 milyan halka dhimashadu ay hadda tahay 211,853 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.