Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa sheegay in shaqaalaha dalka ay si buuxda u garab taagan yihiin geeddisocodka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee BBI.
Waxaa uu sheegay in shaqaalaha dalka ay taageersan yihiin heshiiskii is gacan qaadka ee madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga islamarkaana waxyaabaha ugu wanaagsan ee Kenyaanka uga tagi karaan ay tahay dastuur cusub.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu shalay ka qayb galay xuska maalinka shaqaalaha adduunka.
Mr .Atwoli ayaa xusay in kulan ay yeesheen bishii saddexaad ee sanadkan hoggaanka dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU ay ku go’aansadeen inay si buuxda u taageeraan BBI si loo xalliyo rabshadaha dhaca doorashada guud ka dib.