Xuutiyiinta oo sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ganacsi

0
159

Kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda dalka Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lala eegtay markab ganacsi oo adeegsanayay dekadda Israa’iil.
Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in ay weerartay diyaarad laga leeyahay Maraykanka.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaaday afhayeenka Xuutiyiinta Yahya Saree.
Waxaa uu xusay in markabka la bartilmaameedsaday maadaama shirkadda leh ay ku xadgudubtay go’aan lagu mamnuucay in la soo galo dekadaha ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysta ee Falastiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here