Senatarka Kericho oo dhaliilay xildhibaannada ka soo horjeestay hindise sharciyeedka maaliyadda

0
165

Senatarka ismaamulka Kericho ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare Aaron Cheruiyot ayaa dhaliilay xildhibaannada baarlamaanka ee aan codkooda ku taageerin ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiintan ay isku dayayaan in waddanka uu ku sii jiro xaalad adag oo dhaqaale.
Aaron oo dhanka kale bogaadiyay xildhibaannada taageeray qorshaha maaliyadeed ayaa hoosta ka xarriiqay in mudaaharaadyada ka socdo waddanka aan loo baahnayn in ay cid cabsi geliyaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in meel marinta hindise sharciyeedka sanadkan ay qaranka u horseedi doonto inuu sida habboon u maareeyo raasimaalkiisa si uu uga maarmo deymaha shisheeye.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here