LSK oo dalbatay in 3 isbuuc lagu soo gabagabeeyo baaritaannada dil ay gaysteen booliiska

0
193

Ururka ay ku mideysan yihiin qareennada dalka ee LSK ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA) iyo waaxda dambi baarista waddanka ee (DCI) u qabtay saddex toddobaad oo ay shaaca uga qaadayaan saraakiishii ka dambeeyay dilkii Khamiistii loo gaystay Rex Kanyike Masai.
Waxaa ay Rex rasaas uga dhacday lugta xilli uu qayb ka ahaa dibadbaxyadii looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ee ka dhacay ismaamulka Nairobi.
Sidoo kale ururka garyaqaannada waddanka ee LSK ayaa bayaankiisa ku xusay inuu IPOA iyo DCI-da ka dalbanaya inay ka qayb qaataan sidii lagu ogaan lahaa saraakiisha booliiska ee awoodda xad dhaafka ah adeegsanaya marka ay la tacaalayaan mudaaharaadyada.
Madaxa LSK,Faith Odhiambo ayaa walaac ka muujisay in ciidamada ammaanka aynan sidii laga doonayay isku xakameyn taasi oo keentay in ilaa iyo hadda labo qof lagu dilay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here