Waxaa kaynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi laga soo saaray meydad dheeraad oo gaaraya 7.
Tani ayaa timid ka dib markii uu billowday wajiga shanaad ee maydadka laga raadinaya xabaal wadareedyada halkaasi lagu arkay.
Sarkaalka dowladda u qaabilsan baaritaannada lagu sameeyo meydadka ,Johansen Oduor ayaa sheegay in tirada guud ee maydadka ilaa iyo hadda laga helay Shakahola ay tahay 436.
Oduor ayaa xusay in la eegi doono 50 xabaal wadareed oo dheeraad ah waxaana howshan gacanta ku haya saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo kaashanaya maamullo kale.
Dowladda ayaa ilaa iyo hadda eheladda ku wareejisay 34 meydad ah oo la aqoonsaday iyadoo in ka badan 400 ay yaallaan goobta meydadka la dhiga ee isbitaalka deegaanka Malindi.