Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad hubeysan uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeyay ciidanka booliiska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii ay isku dhaceen labada ciidan, waxaana goobta ka dhacay israsaaseyn sababtay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa ka mid ah labo xiddigle Cabdulqaadir Maxamad Xaashi (Juuqlaawe) oo ahaa taliyaha ururka daraawiishta booliiska ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Marxuumka ayaa watay ciidamo booliks ah oo ay dowladda dhexe gaysay gobolkaasi, si ay ukala dhex galaan beelo horay ugu dagaalamay halkaasi.
Dilka taliyaha ayaa yimid, ka dib markii uu isku dayay inuu hub ka dhigis ku sameeyo maleeshiyaad deegaanka, balse ay isku dhaceen labada ciidan, kadibna dhaawac soo gaaray uu u dhintay Taliye Cabdulqaadir Maxamad Xaashi (Juuqlaawe).
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Hirshabeelle iyo dowladda federaalka oo ku aadan shaqaaqada lagu dilay taliyaha
Waa taliyihii labaad ee dagaal lagu dilayo isla toddobaadkan, waxayna ahayd Sabtidii markii isna la khaarijiyay taliyaha saldhigga degmada Bardaale ee gobolka Baay, Caliyow Boorow oo ku dhintay dagaal dhexmaray booliiska iyo maleeshiyaad ku sugan halkaasi.
Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan colaad beeleedyo sababay khasaarooyin, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.
Home Wararka Soomaaliya Taliye lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamo beeleed iyo kuwa dowladda Soomaaliya