Darawal weerar ku qaaday askari ka tirsan ciidamada ilaallada waddooyinka ee taraafikada oo gacanta lagu dhigay

0
392

Waxaa gacanta lagu dhigay darawal weerar gacan ah ku dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ilaallada waddooyinka ee taraafikada.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay waddo ka tirsan ismaamulka Nairobi.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Ian Njoroge, ayaa fiidnimadii xalay laga soo qabtay xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi, ka dib howlgal ay hoggaaminayeen saraakiisha waaxda dembi baarista ee DCI-da.
Dhacadan ayaa carro badan ka dhalisay baraha bulshada.
Eedeysanaha ayaa haatan ku jira saldhigga booliiska ee Kasarani, iyadoo askariga laga daweynaya dhaawac soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here